Gabdho Laga Soo Badbaadiyay Guur Qasab ah
Howlgalka ayaa yimid kadib xog laga helay dadka deegaanka. Gabdhaha ayaa hadda ku jira xarun ammaan ah.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen laba gabdhood oo la sheegay in si qasab ah loogu wadi lahaa meel ka baxsan Muqdisho. Howlgalka ayaa yimid kadib xog laga helay dadka deegaanka. Gabdhaha ayaa hadda ku jira xarun ammaan ah.
Illaa iyo lix nin oo labo kamid ah ay wadeen gaari Hoomeey ah ayay laamaha amnigu qabteen. Qoysaska gabdhaha ayaa uga mahadceliyay ciidamada dadaalkooda. Waxay sheegeen in cadaadis xooggan la saaray.
Dhakhaatiir iyo cilmi-nafsiyaal ayaa la tacaalaya xaaladda gabdhaha. Waxaa la sheegay inay u baahan yihiin taageero.
Ururada haweenka ayaa ku baaqay sharciyo adag oo lagula dagaallamo guurka qasabka ah. Dowladda ayaa sheegtay in cid kasta oo ku lug leh arrintan lala xisaabtami doono.